Qoys Soomaali oo ku dhibaataysan duleedka magaalladda London oo diiday in loo gargaaro

Hooyo iyo wiilkeeda ka mid ah Jaalliyadda Soomaalida ku nool Degmadda Wandsworth ee dhanka K/galbeed kaga aadan magaalladda London ayaa la sheegay inay Xilligan qaboobaha seexdaan fagaare ku hor yaallo goob shaqo oo ku taalla WaddadaTooting ee Deegaankaasi.

Shabakadda Wararka ee Wandsworthguardian.co.uk ayaa qortay inay qoyskaasi mar hore halkaasi seexan jireen bishii November ee sannadkii hore, ka hor intaan la dhigan Isbitaal. Si looga daaweeyo qabowga galay.

Shabakadda waxay sheegtay in qoyskaasi mar kale shalay lagu arkay iyagoo jiifa duleedka Maktabadda Tooting, waxayna Maamadda diiday in laga kaxeeyo halkaasi.

Jaalliyadda Soomaalida iyo dadka kale ee Deegaanka ayaa u gurmaday Qoyskaasi dibed-jiifka ah, laakiinse wey diideen inay qaataan cuntada iyo dalabyadda kale ee loo sameeyey.

Afhayeen u hadlay Golaha Degmadda Wandsworth ayaa sheegay inay aad u adag tahay xaalladda ay ku sugan yihiin qoyskaasi iyo sida ay u diidan yihiin codsiyadda loo soo jeediyey.

Waxa uu xusay inay u qorsheeyeen inay dejiyaan Guri ka kooban Labo qol, balse wey diideen inay soo arkaan, si ay u deggaan.

Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray inay la soo xiriireen Hay’addo badan oo doonaya in la xaliyo mushkiladaasi.

“Haddii ay diideen codisyadda lagu caawin lahaa, ma awoodi karno inaan xoog u adeegsano, si ay u oggolaadaan kaalmadaasi” ayuu yiri Afhayeenkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, ma cadda sababaha Qoyska Soomaalida ay u go’aansadeen inay derbi-jiif noqdaan, mana kala cadda inay Magangelyo Qaxootinimo la siiyey iyo in kale.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor