Qorshaha dib-u-soo-celinta Qaxootiga Somalia ee Kenya oo la bilaabayo

Madaxa Golaha Kenya yfy qaabilsan Arrimaha Qxaootiga, Haruun Komen ayaa sheegay in Toddobaadkan dib loo bilaabi doono in la soo celiyo Qaxootiga Soomaalida ee iskooda u go’aansatay inay ku soo laabtaan dalooda hooyo.

Isagoo ka hadlaye Kulan  ka dhacay Xarunta golahaasi oo ku taalla Degaanka Lavington ayaa sheegay in ilaa 200 oo Qxaooti Soomaali ah lagu celin doono Somalia, kuwaasi oo qeyb ka ah Qaxootiga isku diiwaan gelisay inay ku laabtaan dalkooda hooyo.

Waxa uu intaasi ku daray in Qaxootiga lagu celin doono magaallooyinka Kismaayo, Baydhabo iyo luuq, oo ah deegaanno nabad ah.

Bilowgii bishii hore, 2,050  oo Qaxooti ku jiray Xeradda Dhadhaab ayaa dib loogu celiyey Somalia.

Qorshaha Dib-u-celinta Qaxootiga ayaa qeyb ka ah jadwal-hawleedka Heshiiska saddex geesoodka ee ay kala saxiixdeen Dowladaha Somalia, Kenya iyo Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR.

Dhinaca kale, Yiro-koob cusub oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Kenya ayaa muujinaya in Qaxootiga Soomaalida ee haatan ku sugan Xeradda Dhadhaab inay tiradoodu dhan tahay 423, 244  qof.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor