Qoorqoor oo la kulmay Safiirka Dalka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye oo maalmahan Muqdishu u joogay arrimo shaqo ayaa la kulmay Safiirka Dalka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Danjire Ben Fender.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa iska xog wareystay arrimo ay ka midyihiin Doorashada dalka iyo howlaha hortabinta leh ay wado Galmudugta cusub.

Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay doorka Dowladda Britain ee ku aadan horumarinta Soomaaliya.

Danjiraha ayaa ugu danbeyntii bogaadiyay kulankan muhiimka ah asagoona sheegay in ay joogteyn doonaan taageerada ay la garab taaganyihiin guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaana shacabka iyo Dowlad Goboleedka Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media