Qoorqoor oo dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa galabta dib ugu  laabtay  Caasimadda Maamulkaasi Galmudug ee Dhuusamareeb kaddib safar shaqo oo uu Muqdishu ku joogay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur kusoo dhaweeyey Madaxweyne Ku xigeenka Dowladda Galmudug mudane Cali Daahir Ciid, Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug Dr.  Maxamed Nuur Gacal, xubno ka tirsan labada gole, maamulka caasimadda iyo masuuliyiin kale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor