Qofkii ugu horreeyay oo Maanta la siiyay tallaalka Cusub ee COVID-19

UK waxaa saakay si rasmi ah uga bilowday talaalka Covid-19, iyadoo Margaret Keenan oo isbuucan noqoneysa 91 jir, ay noqotay qofkii ugu horeeyay dalkaasi ee la siiyo talaalka Covid-19.

Waxaa talaalka qeybtiisa koowaad ahmiyad gaar ah la siin doonaa dadka 80 sano ka weyn iyo shaqaalaha caafimaadka,waxaana tallaalkaasi la geeyay Ilaa 50 goob oo caafimaad.

Waxaa qorshuhu yahay in la talaalo ilaa 40 malyuun oo qof, halka Waaxda caafimaadka ay u yeeri doonta qofka la talaalayo.

UK waxay noqotay dalkii ugu horeeyay aduunka ee meel mariya daawada cusub, ee talaalka karoona.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media