Nin kasoo jeeda London ayaa noqday qofkii labaad ee caalamka ku nool oo ka dawooday Caabuqa HIV, sida ay dhakhaatiirtu sheegeen.
Adam Castillejo ayaa wali xor ka ah Caabuqa kaddib markii daweynta ka joojiyay muddo 30 bilood ah ka hor.
Ninkan kuma uusan reysanin dawooyinka HIV-ga kaliya, balse wuxuu sidoo kale ku caafimaaday daweyn looga sameynayay unugyada jirkiisa, taas oo uu u qaadanayay xanuunka kansarka, kaasoo uu sidoo kale qabay, sida uu ku warramay wargeyska the Lancet HIV.
Dhaktaariirta kansarka ka daweyneysay ayaan fileynin in dawooyinkooda ay horseedi doonaan difaac ka hor taga HIV-ga.
Sanadkii 2011-kii, Timothy Brown, oo loo yaqaannay “Bukaankii Berlin” ayaa noqday qofkii ugu horreeyay abid ee lasoo tabiyay inuu ka bogsaday HIV.
Ninkaas ayaa muddo saddex sano iyo bar ah qaadanayay dawo la mid ah midda bukaanka labaad uu qaatay.