QM oo walaac xooggan ka muujisay Qaxootiga Soomaalida iyo kuwa kale ee ku dhibaataysan dalalka Koonfurta Europe

Afhayeenka Hay’adda UNHCR, Adrian Edwards oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta dhexe ee Hay’addaasi oo ku yaalla  magaalladda Geneva ee dalka Switzerland  ayaa sheegay inay  aad uga walaacsan tahay  khatarta sii kordhaysa ee Qaxootiga iyo Muhaajiriinta ku haysato dalalka ku yaalla Koonfurta Europe.

Waxa uu tilmaamay inay sannadkan sii kordheen tiradda Qaxootiga ka soo gudba  xuduudka dalkaasi, si ay u gaaraan dalalka kale ee hodanka ah.

Afhayeenka UNHCR, waxa uu tilmaamay in ka badan labo kun oo Qaxooti magangalyo-doon ah ka soo gudbeen dalka Serbia afartii bilood ee ugu horreysay sannadkan.

Waxa uu tilmaamay in inta badan Qaxootigaasi ku dhibaataysan dalalka Koonfurta Europe ka soo kala jeedaan dalalka Somalia, Eritrea, Iraq, Syria iyo Afganistan, kuwaasi oo ka soo tallaaba dhulka buuraleyda, iyagoo khatar ku gala waddooyinka suTareenadda adeegsadaan.

Dhinaca kale, Afhayeenka Hay’adda UNHCR, Adrian Edwards oo waxa uu ka digay tiradda Qaxootiga sii kordhaysa ee dhinaca Badda ka soo gala dalka Giriigga, oo ah aagga ugu daran ee ay Qaxootiga kaga soo gudbaan dalalka kale ee Europe.

Tahriibayaasha waxay doonyo ka samaysan alwaax iyo cinjir ayey ku soo gaaraan Jesiiradda Lesvos ee dfalka Giriigga, kuwaasi oo ay Kooxaha dadka tahriibiya ka soo gudbiyaan Turkiga.

UNHCR waxay sheegtay in Qaxooti tiradoodu u dhexeyso 2,200 ilaa 2,500 ku sugan yihiin Tuulladda Moriya ee dalka Giriigga, kuwaasi oo sugaya in la masaafuriyo.

Xigasho: www.un.org

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor