Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres ayaa hadalkaasi ku sheegay Warbixin Cuusb uu xalay u gudbiyey Golaha Ammanaka ee QM, wuxuuna xusay inay Somalia samaynayso Horumar, balse loo baahan yahay in wax laga qabto Deganaanshaha La’aanta Siyasaadeed, Musuqa, Colaadaha Xag-jirnimadda, Colaadaha Hubeysan iyo waxa uu ugu yeeray Argagixisadda.
Antonio Guterres waxa kale oo uu ku xusay Warbixintiisa inay jiraan caqabado waxyeeleyn kara guulaha tababrta daran ee la gaaray, cabsi-gelina ku ah horumarka.
Waxa uu hoosta ka xariiqay in xaalladda Ammaanka ee Somalia weli tahay mid qaraxyo leh, muddadii u dhexeysay bartamihii bishii December ee sannadkii hore ilaa bilowgii bishan May.
Warbixinta Cuusb ee Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres waxaa lagu muujiyey in bilihii March iyo April ee sannadkan goobjoog loo ahaa inay kordheen weeraradda ka dhaca Muqdisho, iyadoo shilalka waxyaabaha qarxa maalin kasta ka dhacaan Muqdisho.
Wxaa uu farta ku fiiqay in bishii March ee la soo dhaafay ay 77 weerar ka dhaceen guud ahaan Somalia, isla markaana ay ahayd bisha keliya ee ugu sarreysa ee ay dhaceen weeraradii ugu badnaa guud ahaan tan iyo sannadkii 2016-kii.
Warbixinta cusub ee Xoghayaha Guud ee QM waxa uu ku sheegay inay kordheen weeraradda Hoobiyayaasha iyo Qaraxyadda ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab la beegsadaan bar-tilmaameedyadda Istaraatijiyadda leh.
Waxa uu intaasi ku daray inay Alshabaab weli sii wadaan inay qaadaan weeraro, iyadoo adeegsanaya weeraradda Is-qarxinta ee gawaarida laga soo buuxiyo waxyaabaha qarxa, waa sida uu hadalka u yiri.
Warbixinta Xoghyaha Guud ee QM waxa kale oo uu ku soo bandhigay inla arkayo in la kordhiyey Hawlgalladda Ammaanka iyo tiro ballaaran ee Duqeymaha Diyaaradaha lala beegsanayo Saldhigyadda Tababarka Alshabaab.
Waxa uu intaasi ku daray inay Alshabaab kordhiyeen dhaqdhaqaaqyadda ay ka fuliyaan Xarumaha magaallooyinka, gaar ahaan Muqdisho.
Dhinaca kale, Warbixinta cusub ee uu Xoghayaha Guud ee QM u gudbiyey Golaha Ammaanka ee QM waxa uu kaga hadlay xaalladda saboolnimadda iyo cunto-yarida soo wajahday Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in Bangiga Adduunka ay ku qiyaaseen inay dadka Soomaalida 77% ku nool yihiin wax ka yar hal dollar iyo 90 senti ($1.90) maalintiiba.