Warbixin Cusub oo ay QM soo saartay ayaa lagu sheegay in 12,000 oo carruur ah lagu dilay ama lagu dhaawacay dalalka ay colaaadaha socdaan sannadkii la soo dhaafay ee 2018-ka.
Warbixin sannadeedka QM ee Carruurta iyo Colaadaha Hubeysan oo xalay loo gudbiyey Golaha Ammaanka ee QM waxaa Liiska kaalimaha sare kaga jira dalalka Afganistan, Syria, Yemen iyo Falastiin, iyadoo 3,062 carruur ah lagu dilay Afganistan, halka dalka Syria lagu dilay, laguna dhaawacay carruur ay tirdaoodu dhan tahay 1,854 qof.
Warbixinta waxaa kaloo lagu muujiyey in colaadaha ka socda dalka Yemen lagu dilay 1,689 carruur ah, halka colaadda u dhexeysa Falastiin iyo Israel lagu dilay 59 carruur Falastiiniyiin ah, laguna dhaawacay 2,756 carruur ah tan iyo sannadkii 2014-kii.
Dhinaca kale, Warbixinta QM ee Carruurta iyo Colaadaha Hubeysan waxaa lagu soo bandhigay in qeybaha ku lugta leh Colaadaha ka socda dalkeenna Somalia ay qorteen Carruurta la Askareeyo, iyadoo ay 2,300 carruur oo ay ku jiraan kuwo ay da’dooda 8-jir tahay.
Warbixinta QM waxay kaloo lagu xaqiijiyey inay inay Somalia figta ugu sarreyso kaga jiraan Kufsiga hubeysan ee Carruurta loo geysto, iyadoo la diiwaan geliyey 331 kiis sannadkii la soo dhafaay ee 2018-ka.
Dhinaca kale, Warbixinta sannadlaha QM ee ku aadan Tacadiyadda ay Carruurta kala kulmaan dalalka ay ka socdaan Colaadaha Hubeysan, waxaa kaloo lagu muujiyey in Somalia sannadkii hore lagu afduubtay carruur ay tiradoodu dhan tahay 1,609 carruur, waana tiradii ugu sarreysay marka loo eego dalalka kale.
Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres waxa uu walaac xooggan ka muujiyey Nuxurka Warbixintaasi, wuxuuna tilmaamay inay kordheen tirada weeraradda ka dhanka ah Carruurta ee ka dhacay dalalka Somalia, Kongada Dimuqraadiga, Libya, Nigeria, Mali, Sudan, Yemen iyo dalka Kolombiya.
Madaxa U dooda Xuquuqda Carruurta ee Hay’adda Human Rights Watch, Jo Becker waxa uu isagana sheegay inay Ciiddanka Qaranka Somalia ee SNA ammaan ku kasbadeen sida ay u badbaadiyaan Carruurta, walow uu Tacadiyadda Ciiddankaasi korodhay.