Afhayeenka Xoghayaha Guud ee QM, Stephane Dujarric waxa uu sheegay inay 1.7 million oo qof oo ku nool gudaha Somalia ay soo wajahayso xiisado iyo heerar Gurmad oo ku aadan Ammaan-xumida Cuntada ilaa laga gaarayo bisha June ee soo socota.
Afhayeenka QM waxa uu intaasi ku daray in dib-u-dhaca ku yimid markii labaad Roobka Xilliga inay taasi horseeday inay xoolo badan ku le’daan iyo fashil ballaaran oo ku yimid dhinaca Abuurka beeraha.
Heerka Nafaqo-darradda ayaa la sheegay inay korodhay xaalladaha Abaaraha darted, isla markaana ay 850,000 oo carruur u muuqdaan kuwo ay aad u hayso Nafaqo-darro.
Kooxda QM ee Hawlaha Samafalka ee ku sugan Somalia waxay u diyaar garoobayaan qorshaha looga hortagayo Abaaraha ee inta badan Deegaanadda ay sida xun u saamaysay iyo in la kordhiyo Baahiyaadka loo baahan yahay ee muddada u dhexeysa Bilaha May iyo October ee sannadkan, sida uu Afhayeenka QM ka sheegay Shir Jaraa’is oo lagu qabtay Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York.
Dhinaca kale, Afhayeenka waxa uu sheegay in qorshaha Gargaarkii Lacageed ee la filayey la helay 19% oo keliya, iyadoo kharajka guud ee loo baahnaa in looga jawaabo xaalladda Samafalka ee Somalia ee sannadkan 2019-ka dhan tahay 1.08 Billion oo Dollar.
Waxa uu intaasi ku daray in hoos-u-dhaca ku yimid kharajkii la filayeyay sababtay inay hoos u dhacaan dhaqdhaqaaqyadda Caafimaadka, Nadaafadda iyo inay gabaabsi noqdaan heerka biyaha ee guud ahaan dalka Somalia.