QM ayaa sheegtay in aysan wada helin Codsigii Kaalmadda ee dhamaa 864 million ee Dollar ee loo adeegsan lahaa Hawlaha Samafalka ee Macluusha iyo Abaaraha ka jira Somalia ay ka heleen oo keliya 31%.
Ku-xigeenka Afhayeenka QM, Farhan Xaq oo Suxuifiyiinta kula hadlay Xarunta QM ee magaalladda New York ayaa sheegay inay Xaalladda Aadminimo ee Somalia sii xumanaayso, issla markaana ay Malaayiin qof khatar ugu jiraan Abaaraha iyo Macluusha.
Waxa uu intaasi ku daray in ku-dhawaad 257,000 oo qof ka barakaceen Deegaanadooda muddadii u dhexeysay bilihii November ee sannadkii hore ilaa bishii February ee sannadkan.
“4,300 oo Somali ayaa u gudbay xuduudka Ethiopia†ayuu sii raaciyey Ku-xigeenka Afhayeenka QM.
Farxaan Xaq waxa kale oo uu tilmaamay inay in ka badan 13,000 oo Kiisas Shuban-biyood aad u daran, iyadoo ay in ka badan 300 oo qof u geeriyoodeen cudduro tan iyo markii u ubilowday sannadkan.
Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Britain, Boris Johnson oo dhawaan booqasho hawleed ku yimid Somalia waxa uu maanta shir guddoomin doono Kulanka ay xubnaha Golaha ee QM kaga hadli doonaan Xaaladaha Samafalka Aadminimo, Siyaasad iyo Amni ee ka jirta Somalia.
©Radio Dalsan