Qeybtii hore ee Ciyaarta Xulka Qaranka Somalia iyo Zimbabwe oo soo gaba gabowday

Waxaa Goordhow soo gabagabowday qeytii hore ee Ciyaartii u dhexeysay Xulka Qaranka dalka Soomaaliya iyo dhiggiisa Zimbabwe kulanka lugta labaad isreeb-reebka koobka Adduunka ee 2022 wadamada qaaradda Afrika.

Ciyaarta oo aheyd mid aad u wanaagsan ayaa qeybta hore kusoo dhammaatay 0-0 barbardhac,waxaana Ciyaartooda Soomaaliya ay soo bandhigeen ciyaar qurux badan.

Sidoo kale Soomaliya ayaa heysata natiijo fiican maadaama ay 1-0 kusoo adkaadeen kulankii martida loo ahaa oo ka dhacay Dalka Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Djabouti.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media