Qaxooti Soomaaliyeed oo jebiyay amarkii Donald Trump

Iyadoo ay dadka Soomaalida ka mid yihiin kuwa Dalalka Islaamka ee uu Madaxweynaha Maraykanka ku soo rogay inaysan soo geli geli Karin dalkiisa ayaa waxaa haddana lagu soo waramayaa inay tiro badan oo Soomaali ah ku sii qulqulayaan dalka Maraykanka.

Labadii Bilood ee la soo dhaafay oo keliya, 280 Qaxooti ka yimid Somalia ayaa gaaray Xeebaha dalka Maraykanka.

Sida laga soo xigtay Xogta Diiwaan-gelinta ee Xaruunta Socodsiinta Hawlaha Qaxootiga ee Maraykanka, waxay muujinaysaa in Qaxootiga Soomaalida soo gaaray Maraykanka kala yihiin:

58 ka mid ah dadkaasi waxay u socdeen Gobalka Minnesota oo ay ku nool yihiin qiyaastii 100,000 oo Qaxooti Soomaali ah.

Sidoo kale, 29 Qaxooti Soomaali ayaa gaaray Gobalka Kolaraado, 18 kale ayaa gaaray Gobalka Ohaayo, halka 15 kalena tageen Gobalka Misuuri.

Warbixinta waxaa kaloo lagu xusay inay 14 tageen Gobalka Indiyaana, 13 kalena GobalkaWISKONSIN, 11-kalena Gobalka NEBRASKA.

Sidoo kale, Warbixinta Xaruunta Socodsiinta Hawlaha Qaxootiga ee Maraykanka waxaa lagu sheegay in min 12 Qaxooti ah la kala dejiyey Goballadda NIYUU YORK iyo FENSELFEENIYA.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media