Qaraxii 3aad oo Baladweyne ka dhacay iyo Khasaare ka dhashay

Warar Kala duwan ayaa kasoo baxaya Qarax aad u xooggan oo goordhaweyd ka dhacay Magaaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wararka ka imaanaya Baladweyne ayaa soo sheegaya in Qaraxii 3aad uu hadda ka dhacay, waxaana kasoo baxaya faah faahiinno kala duwan oo ku aaddan Qaraxaasi.

Qaraxa 3aad ayaa loo Adeegsaday sida wararku tilmaamayaan Gaari waxyaabaha Qaraxa laga soo buuxiyay, waxaana si gaar ah uga dhacay goob ay ku sugnaayeen sad u gurmanayay dadkii ku waxyeeloobay Qaraxyadii saaka.

Dad Goob joogayaal ah ayaa soo sheegaya in ay maqlayaan jugta dhawaqa Qaraxasi, waxaana sidoo kale la arkayaa Uuro iyo Qiiq cirka isku shareeray, kuwasi oo ka dhashay Qaraxa.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay Qaraxaasi, waxaana wali socda gurmadka loo fidinaya dadkii ku waxyeeloobay weerarkaasi.

Saaka ayay ahayd markii Qaraxyo waa weyn ay ka dhaceen Xerada lama galaay, kuwaasi oo loo Adeegsaday Gawaari lagu soo raray waxyaabaha Qarxa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor