Qarax Xoogan Oo Saakay Ka Dhacay Degmadda Kaaraan

Qaraxa oo ahaa mid lagu xeray gaari nuuciisa yahay Nooho ayaa ku qarxay suuqa degmadda kaaraan ee gobolka banaadir.

Goobjooge ayaa dalsan u sheegay qaraxa in ay ku geeriyoodeen laba ruux oo mid kamida ay aheyd haweeney da’aheyd oo suuqa ku gadi jirtay dhuxul sidoo kale waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay labo qof.

qaraxa kadib waxaa goobta gaaray ciidamo ka socda maamulka degmadda kaaraan waxaana ay sameeyeen baaritaano inkastoo aysan gacanta kusoo dhigin dad lala xeriirinaayo falkaasi.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi ka dhacay suuqa degmadda kaaraan.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor