Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay Guddoomiye ku-xigeen Gobol

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay SL/XM/WM/222-658/052021 ku magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobkiisa 90aad;

Markaan Arkay:  Muhiimadda Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolku u leeyahay  Amniga iyo Dhismaha Dawladnimadda;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey:  La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In Maxamed Khaliif Nuur Cali laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Somaliland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor