Qarax Khasaaro geystay oo ka dhacay degaan ku yaalla Gedo

Wararka aan ka heleyno deegaan hoostega Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay fiidkii hore uu halkaas ka dhacay qarax xoogan oo jugtiisa siweyn loo maqlay.

Qaraxaas ayaa waxaa lagu sheegay inuu ahaa gaari oo laga buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana uu qarxay xili gaariga uu taagnaa gudaha deegaanka Mekarebay oo hoostega Garbahaarey.

Dad ka fog deegaanka Mekarebay ayaa sheegay inay maqleen jugta qaraxaas ayna arkayeen qiiq iyo uuro cirka isku shareertay, isla markaana uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka qaar ee la helayo ayaa sheegaya in qaraxaas ay ku dhinteen saddex qof, halka 2 qof kalena dhaawac uu soo saaray, in kastoo aan caddeeyn waxa ay ahaayeen dadka waxyeelada kasoo gaartay qaraxa.

Ma jiro weli wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka ee ku sugan Gobolka Gedo oo ku aadan qaraxaas ka dhacay deegaanka Mekarebay ee hoostega Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolkaas.

Comments
Loading...