Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in Qarax Khasaro badan dhaliyay uu ka dhacay halkaasi, waxaana kasoo baxaya faah faahiino dheeraad ah oo ku aaddan Qaraxaasi.
Inta la xaqiijiyay afar qof oo rayida ayaa ku dhintay, miino la qaraxday mooto bajaaj ay saarnaayeen oo maraysay duleedka magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Taliyaha Booliska Jowhar Bashiir Xasan Xalfooy ayaa BBC-da u sheegay, in afarta qof ee dhimatay ay dhamaantood ahayeen dad rayida oo ku socdaalayay tuulada Xaanshooley oo qiyaastii 7 km u jirta magaalada Jowhar.
Illaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa miino ee ay ku dhinteen dadka rayidka ah, waxaase aalaaba Jowhar iyo deegaannada ku xeeran miinooyinka galiya ururka Al-Shabaab oo bartilmaameedsada ciidamada dawladda iyo kuwa midowga afrika ee gobolka jooga