Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Bartamaha Magaalada Boosaaso

Qarax gaari loo adeegsaday ayaa caawa Maqribkii waxa uu ka dhacay Bar-Koontorool oo ku taalla Bartamaha Xarunta Gobolka Bari ee Magaalada Boosaaso qaraxaas oo geestay khasaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno qarax ka dhacay magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in saddex ruux ay ku dhinteen in kabadana ay ku dhaawacmeen, qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday ciidamo gaadiid ku baarayey bartamaha magaalada.

Goordhow ayaa la filayaa in laamaha ammaanka iyo maamulka gobolku ay faahfaahin ka bixiyaan qaraxaani ka dhacay goobta lagu baarayey gaadiidka ee kutaal Boosaaso.

Xaalada ayaa iminka ah mid degan iyadoo la arkayo ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Puntland oo Goobta buux dhaafiyay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media