Qarax ay ku geeriyoodeen Saraakiil Kenyaan ah oo ka dhacay Gudaha dalkaas

Sadaxdaan Sarkaal ayaa la socday Gawaarida Ciidanka waxayna ku wajahnaayeen kaalin shidaal xiliga uu qaraxu qabsaday waxaana loo dhigay wadada dhinaceeda,

Waxana la aaminsan yahay in qaraxaas  ay ka danbeeyaan kooxda al-shabaab sida dowladda Kenya ay sheegtay,

Sadaxda geeriyootay ayaa  ahaa  Saraakiil ciidan waxayna ka soo baxeen deegaan u dhow gaarissa  waxaana la socday ciidan kale  waxaa sidaa xaqiijiyay taliyaha gaarissa mohamud ali saleh,

Dhaawacyada qaraxa uu geystay ayaa iyana tiradooda aan la sheegin maadama ciidankii halkaasi soo gaaray ee tirada ka gaabiyeen inay saxaafadda u sheegaan,

Qaraxa ciidanka  lala eegtay ayaa ka soo baxay xarun weyn waxayna la socdeen gawaari waa weyn wararka qaar ayaa sheegaya tirada dhaawacu inuu yahay 8 qof

Deegaanka soomaalida ee gaarissa qaraxyada ka dhaca ayaa sii badanaya sanadkii tagay 2015 ayaana jaamacad ku taala halkaasi la weeraray iyadoona lagu dilay 148 qof kuwaasoo isugu jiray macalimiin iyo arday

Qaraxan iminka dhacay ma jirto cid ilaa iminka sheegatay walow loo tiranayo kooxda al-shabaab kuwaasoo diidan joogitaanka ciidanka Kenya ee dhulka soomaaliya

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media