War qorool ah oo kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in baahi loo qabo in la xaqiijiyo iyo  in saaxadda siyaasadeed ee dalka ay ahaato mid furan, oo oggolaanaysa in la muujiyo codadka iyo aragtiyada kala duwan, taas oo qayb ka ah geeddi-socodka dimuqraadiyadda
Hoos ka Aqriso Qoraalka kasoo baxay Qaramada Midoobey
Iyadoo Soomaaliya ay isku diyaarineyso inay doorashooyin qabato, Qaramada Midoobay ayaa maanta sheegtay baahida loo qabo in la xaqiijiyo in saaxadda siyaasadeed ee dalka ay ahaato mid furan, oo oggolaanaysa in la muujiyo codadka iyo aragtiyada kala duwan, taas oo qayb ka ah geeddi-socodka dimuqraadiyadda. Si taas loo gaaro, waa in la ilaaliyo xorriyadda hadalka, ra’yiga, iyo isu imaatinka.
Saaxad siyaasadeed oo firfircoon waa midda oggolaanaysa isla markaana dhiirigelinaya ka qaybgalka dhammaan qaybaha bulshada – shaqsiyaadka muwaadiniinta ah, warbaahinta, bulshada rayidka ah, hay’adaha dowliga ah, iyo xisbiyada siyaasadeed, iyo kuwa kaleba. Bulsho dimuqraadi ah waa inay oggolaato in si furan loo muujiyo aragtiyada kala duwan ee arrimaha siyaasadda, iyadoo xor ka ah xayiraad ama dhibaateyn, â€ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan.