Qaramada Midoobay oo War kasoo saartay 15 Tahriibayaal ah oo dil Foolxun loogu gaystay Liibiya

Hawlgalka Qaramada Midoobay ee dalka Liibiya ayaa Axaddii wuxuu cambaareeyey “dilkii ugu foosha xumaa” ee loo geysto 15 tahriibayaal ah oo ka dhacay meel u dhow xeebaha magaalada Sabratha ee dalka Liibiya, iyaga oo ku eedeeyey dilkaas inay ka dambeeyeen kooxaha mukhalasiinta ah ama dilaaliinta wax tahriibiya. Qaramada Midoobay ayaa dalbanaysa in kooxaha falkaas ka dambeeya cadaaladda la horkeeno.

Meydadkan ayaa subaxnimadii Jimcihii laga helay meel xeeb ah, waxaana intooda badan ay ku dhinteen dooni gubatay, sida ay sheegeen Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Liibiya iyo Bisha Cas ee isna dalkaas ka hawlgala.

“iyada oo weli lagu mashquulsan yahay in la ogaado xaaladda dhabta ah, ayaa haddana wararka hordhaca ahi waxay sheegayaan in dilkan uu ka dhashay, iska dhac dhexmaray kooxaha wax tahriibiya” ayaa lagu yidhi warbixinta ka soo baxday xafiiska Qaramada Midoobay ee Liibiya.

Waxay ku boorisay masuuliyiinta dalka Liibiya, inay si degdeg ah u bilaabaan baadhitaan madax-banaan oo daahfuran, si cadaaladda loo horkeeno dhamaan dembiilayaashii ku luglahaa falkan foosha xun.

Liibiya ayaa ah marin muhiim ah oo si qarsoodi ah looga tahriibiyo dadka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor