Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in dadka ku nool qeybo kamid ah Soomaaliya ay qarka u saaran yihiin macluul.
Waxey intaa ku dartey hey’adda in loo baahan yahay gurmad degdeg ah, inta aanay xaaladdu ka sii darin. Meelaha ugu daran waxaa ka mid ah deegaannada Koofur Galbeed.
Dad kasoo barakacay deegaanno ka tirsan gobolka Bakool, ayaa maalmihii la soo dhaafay waxey gaarayeen magaalada Xudur ee gobolkaasi, halkaasi oo ay dhowaan dagaallo ka dhaceen.
Qaar kamid ah dadkaasi oo BBCda la hadlay, ayaa waxay sheegeen inay dhib badan a soo mareen, sidii ay Xudur ku soo gaareen.
Dadkaas waxaa ka mid ah Maryan Cumar Maxamed. Mar ay la hadashey BBC-da, ayaa waxay sheegtay in dhowr iyo toban maalmood ay safar kusoo jirtay, ayna ilaaiyo hadda helin gargaarkii ay u baahnayd “Gaajadii aan kasoo cararnay mid ka daran ayaan la kulannay†ayay tiri Maryan Cumar.
Abaaraha ka jira dalka ayaa saameyn ku yeeshay Kumannaan Soomaali ah oo haatan la sheegay in ay wajahaayaan xaalado nololeed oo aad u liita.