Qaar ka mid ah Waddooyinka Muqdisho oo Saakay xiran

Waddooyinka qaar ee magaalada Muqdisho ayaa saakay xiran waxaana lagu wadaa in uu dhaco banaanbax uu iclaamiyay maamulka gobolka Banaadr kaas oo looga soo hor jeedo qaraxii dhawaan ka dhacay Ex-koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska ayaa lagu arkayaa waddooyinka xiran kuwaas oo xaqiijinaya ammaanka iyada oo loo diidanyahay in ay maraan gaadiidka gaarka loo leeyahay iyo kan dadweynaha ay isticmaalaan.

Wadooyinka xiran waxaa ka mid ah Ceelgaabta,Jubba Ex Shabeelle,iyo qaar ka mid ah wadooyinka muhiimka ah ee mara degmada Xamar Ja-jab,waxaana la dareemayaa diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee banaanbaxaas.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maalin ka hor waxa ay iclaamiyeen banaanbax weyn oo looga soo horjeedo qaraxii khasaaraha badan geystay ee 28-ka bishii hore ka dhacay isgooyska Ex-koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho,kaas oo masuuliyaddiisa ay sheegteen Alshabaab.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media