Qaar ka mid ah Odayaasha iyo waxgaradka Beelaha Muddulood ayaa si kulul uga hadlay falkii naxdinta lahaa ee ka dhacay Degmada Raage Ceelle ee Gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana ay sheegeen in ay tahay arrin aad u fool xun in Culimo loo laayo aanooyin qabiil, iyagoo sheegay in ay ka xun yihiin wixii ka dhacay degaankaas.
Waxaa ay baaq u direen beelaha dagaalamaya ee colaaddu ka dhaxayso, iyagoo ugu baaqay in aan loo baahnayn xiligaan dagaal iyo colaad hor leh, waxaana sheegeen in colaadda halkeeda lagu damiyo, sida ugu fuduna loo xaliyo dagaal beeleedka khasaaraha badan dhaliyay.
maamulka Hir-shabeelle ayay ugu baaqeen In si deg deg ah ay wax uga qabtaan arrinta, caddaaladdana ay hor keenaan kuwii falka xun ku kacay ee Culimada laayay, waxana dadka shacabka ah ee degaanadaas ay ugu baaqeen in ay is dejiyaan oo aysan hurin colaadda.
Sidoo kale Dowladda dhexe ayay ugu baaqeen waxgaradku in ay soo faragaliyaan arrinta maaddaama ay tahay mid aad u culus, oo loo baahan yahay in xal rasmi ah laga gaaro dagaalada dhiigga faraha badan uu ku daatay ee dhowrka jeer ka dhacay Shabeellaha dhexe.
Macalimiintii saaka lagu laayay Degaan hoostaga raage Ceelle ayaa waxaa si weyn uga xumaaday bulshada Soomaaliyeed, waxaana falkaas lagu tilmaamay mid wuxuushnimo ah.