Puntland oo xukuno ku riday Doomo waday kalluumeysi sharci darro ah

Maxkamadda darajada koowaad ee Gobolka Gardafuu ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa xukuno k riday doonyo ay soo qabteen Ciidamada Badda Maamulka, kuwaasi oo waday kalluumeysi sharci darro ah.

Maxkamadda ayaa doomaha oo gaarayay saddex doon oo nooca kalluumeysiga oo laga leeyahay dalka Yemen ku riday xukun  ganaax ah, isla markaana waxaa Maamulka uu la wareegay kalluunkii saarnaa.

Laba kamid ah doomaha ee xeebaha Puntland ka waday kalluumeysiga sharci darrada ahaa ayaa waxaa lagu xukumay $9 kun oo Dollar, halka tan labaad lagu ganaaxay $8 kun oo Dollar, waxaana Magacyada doomaha lagu kala sheegay Al-Dayaa iyo Al-Lascaa.

Sidoo kale Maxkamadda darajada koowaad ee Gobolka Gardafuu ayaa amartay in la fasaxo doonta saddexaad, kadib markii wax dembi ah lagu waayay, taas oo magaceeda lagu sheegay Al-Hilaal.

Ciidamada badda Puntland ee PMF ayaa muddooyinkii dambe howlgalo kala duwan ka waday xeebaha Maamulka, isla markaana kusoo qabtay doomo waday kalluumeysi sharci darro ah iyo shaqaalaha la socday, kuwaasi oo u dhashay dalka Yemen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor