Wararka aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaa in halkaas xabsi ku yaalla lagu xiray Nabadoon hor leh oo Caanka ah gudaha deegaanada Puntland.
Ciidamo ka tiraan kuwa amniga Puntland ayaa Maanta xabsiga dhigay Nabadoon Cabdicasiis Baydhabo oo ka mid ahaa odayaal dhawaan dhaliilay Xuukumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.
Sidoo kale Nabadoon Baydhabo ayaa waxaa la sheegay inuu ka hor yimid mashaariicda horumarineed ee Imaaraadka Carabta ay ka fulineyso deegaanada maamulka Puntland.
Puntland ayaa horey Boosaaso ugu xirtay labo Oday iyo Siyaasi Muuse Cali Jaamac, kuwaasi oo warbaahinta la hadlay, isla markaana sheegay inay kasoo horjeedan heshiiska Shirkad laga leeyahay Imaaraadka loogu wareejiyay Garoonka diyaaradaha Boosaaso.
Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Dhooba-daareed ayaa sheegay in Puntland ay caburin xoogan ku heyso Odayaasha iyo Waxgaradka deegaanka.