Puntland oo war kasoo saartay maalinta Calanka ee 12ka October

Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulkaasi  Axmed Cilmi Cismaan Karaash “Waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu hanbalyeynayaa 67-sanno guurada ka soo wareegtay maalintii la sameeyey calankeenna oo ahayd 12, Oktoobar 1954-tii.

Anigoo ku hadlaya afka Dawladda iyo Shacabka Puntland waxaan ummadda Soomaaliyeed si diirran ugu hambalyeynayaa maalintan qiima leh, waa sumad iyo astaan qawmi ah oo mudan karaamayn.

Hal-abuurihii Calankan Maxamed Cawaale Liibaan AUN iyo intii u soo dhimatay ee sababtay inuu si xora dunida uga babado ee u soo halgantay. Inteenna u heellan maamuuskiisa iyo qimayamkiisana Alle ha u fududeeyo.” ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulkaasi  Axmed Cilmi Cismaan Karaash

Maanta oo ay Taariikhdu ku tahay tahay 12Ka October ayaa waxaa ay ku began tahay 67 sano guuradii kasoo wareegatay Calanka Soomaaliyeed, waxaana 12-kii October sanadkii 1954-tii ay aheyd markii ugu horreeysay ee la saaray Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor