Maamulka Puntland ayaa qaadacay Sharciga Betroolka ee uu maalmo kahor saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaddib markii labada Aqal ee Baarlamaanka ay soo dhammeystireen hannaankii sharcigaas.
War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxyooyada Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Sharciga Betroolka uusan sax aheyn, isla markaana uu ka hor imaanayo Qodobo ku jira Dastuurka KMG ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Puntland aysan aqbali doonin qeybna ka noqon doonin Sharciga Betroolka ee uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo, iyagoona tilmaamay in sharcigaas uu baal-marsan yahay Dastuurka dalka.
Ugu dambeyntii Puntland ayaa dowlad goboleedyada dalka ka jira ugu baaqday inay wadatashadaan, isla markaana ay ilaashadan hanaanka Sharci iyo maamul ee qeexayo Dastuurka dalka.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Puntland.