Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay heshiiska sanadkii 2017-kii dhexmaray Maamulka Puntland iyo Shirkadda DP-WORLD oo gacanta ku heysa Dekadda Magaalada Boosaaso.
Madaxweyne Deni oo Khubad ka jeediyay Munaasabad lagu daah-furayay Kal-fadhiga 47-aad ee Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay la socoto dhibaatada ay Ganacsatada iyo shacabka ku qabaan Dekadda Boosaaso, xili xeebta ay horey ugu xayir meeyeen doomo siday Shixnado Ganacsi.
Waxaa uu sheegay Madaxweye Saciid Deni in weli uusan fulin heshiiska sanadkii 2017-kii dhexmaray Maamulka Puntland iyo Shirkadda DP-WORLD, isla markaana Xukuumaddiisa ay arrimaha Dekadda wax ka qaban doono.
“ DP-WORLD waxaa noo socda wada-hadallo, waxaan rabnaa in aan dekedda Boosaaso ka gaarno xal aan saameyn ku yeelan xiriirka Imaaraadka Carabta iyo Puntland, dadku ha nagu kalsoonaadaan†ayuu yiri Saciid Deni.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa Carabka ku dhuftay inay ka Jawaabi doonaan cabashada kasoo yeertay shacabka iyo Ganacsatada ee ku aadan Dekadda Boosaaso, xili Ganacsatada qaarkood ay sheegeen in dhibaatada ku qabaan Dekaddaas oo carro farabadan dhuux-dhaafisay marinada doomaha.
Ugu dambeyn Xariirka Imaaraatka iyo Puntland ayuu Saciid Cabdullaahi Deni ku sheegay in ay ku dadaalayaan in uusan saameyn kuyeelan arrint DP-WORLD, kadib markii uu sheegay in Shirkadda aysan weli fulin Heshiiskii ay la galeen.