Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayay ayaa Goordhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.
Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Dhuusamareeb ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Galmudug, kuwo ka tirsan dowladda Federaalka oo halkaas ku sugan iyo Saraakiil kale.
Ujeedka Taliye Cabdi Xasan Xijaar ee Dhuusamareeb ayaa waxaa uu yahay mid la xiriiro sahan ballaaran oo Booliska Federaalka ku samaynayo deegaanada dawlad Goboleedyada, si loo ogaado heerka diyaar garoowga sugidda amniga doorashooyinka.
Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliska Xijaar ayaa kulan la qaadan doona Saraakiisha Ciidanka Booliska Galmudug iyo Taliyeyaal kale, isagoo kala hadli doono arrimo la xiriira sugida amniga deegaanada Maamulka.
Safarka Taliye Xijaar ayaa kusoo beegmaya xili todobaadkii hore Baarlamaanka Galmudug uu ansaxiyey Sharciga dhismaha Booliska Galmudug oo amniga kala wareegaya kuwa Faderaalka ee haatan maamula saldhigyada iyo baraha kale ee baraha Koontaroolada.