Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka hadashay shirka uu isugu yeeray Madaxweyne Farmaajo, waxaana Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland lagu sheegay in shirka ay isugu yeertay Beesha Caalamka.
Waxaana ay intaa ku dartay Puntland in ay soodhaweynayaan dadaalada ay waddo Beesha Caalamka oo ku saabsan sidii loo xalin lahaa caqabadaha ku xeeran arrimaha Doorashada, waxaana la isku af gartay in Sabtida 03 April 2021 ay Madaxda DFS iyo Dowladaha Xubnaha Ka ah DFS isugu yimaadaan Shir hordhac ah.
“Puntland waxay soo dhoweysay dadaal ay waday Beesha Caalamka oo ku saabsan sidii loo xalin lahaa caqabadaha ku xeeran arrimaha Doorashada, waxaana lays la gartay in Sabtida 03 April 2021, ay Madaxda DFS iyo Dowladaha Xubnaha Ka ah DFS isugu yimaadaan Shir hordhac u noqda Shirka wadatashiga arrimaha doorashada. Shirkan oo ay qaban qaabisay Beesha Caalamka ayaa ujeedkiisu yahay si Madaxda Soomaaliyeed ay is afgarad uga gaaraan ajandaha Shirka iyo sida ugu habboon ee uu u qabsoomayo Shirka wadatashiga”ayaa lagu yiri Qoraal ay soo saartay Puntland.