Madaxweyne farmaajo oo mar kale shir isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa mar kale isugu yeeray madaxweynayaasha 5-ta Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir in ay shir  isugu yimaaddaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa  maalinta Sabtida ah oo bishu tahay 3-da April 2021 waxaa uu isugu yeeray Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaalia, waxaana uu mar kale uga yeeray in  Xarunta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ee Afisyooni la isugu yimaado, si looga wada hadlo hirgelinta heshiisyadii 17-kii September 2020 iyo 16 Febraayo 2021.

Shirka wadatashiga ee u dhexeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah ayaa la filayay in uu ka furmo Muqdisho, iyadoo madaxda Maamul Goboleedyada ay dhammaantood muqdisho ku sugan yihiin, waxaana shirka diiday in ay ka qayb galaan Axmed Madoobe iyo Siciid Deni.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor