Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray wareegto Lr. 03 kuna saabsan Joojin Dhismeyaasha iyo Deegaameynta Dhul-daaqsimeedka Deegaanada Puntland
Ku: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta.
Ku: Wasaradda Deegaanka, Beeraha iyo Is-bedelka Cimilada
Ku: Wasaradda Amniga iyo DDR
Ku: Taliyaha Ciidanka Daraawiishta
Ku: Taliyaha Ciidanka Booliska
Ujeeddo: Joojin Dhismeyaasha iyo Deegaameynta Dhul-daaqsimeedka Deegaanada Puntland
Waxaa Dhammaan Wasaradaha iyo Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Daraawiishta ee wareegtadani sida tooska ah ugu socoto la farayaa laga billaabo Taariikhda markii tahay 05/07/2020 in la joojiyay dhismeyaasha iyo deegaameynta Dhul-daaqsimeedka Deegaanada Puntland.
Dowlad Goboleedka Puntland waxay soo saari doontaa habraac iyo shuruuc gaar ah oo loo marayo deegaameynta cusub ee deegaanada Puntland.
Wareegtadan ayaa dhaqangelaysa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.