ONLF oo sheegtay inay kordhinayaan Halganka Hubeysan ee ay kaga horjeedaan Dowladda Ethiopia.

C/raxmaan Mahdi oo ah Aasaasaha iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Jabhadda Xorreynta ONLF ayaa sheegay inay Isbahaysigooda diyaar u yihiin inay kordhiyaan Kacdoonkooda Gobanima-doonka, si ay xorriyad u gaarsiiyaan dhulka ay dadka Soomaalida ka deggan yihiin dalka Ethiopia.

Siyaasigaasi oo la hadlay Telefishinka Aljazeera ayaa sheegay in Jabhadda ONLF la asaasay sannadihii 1980-aadkii, isla markaana ay muddo dheer ku jireen dagaalka ay kaga soo horjeedaan sidii ay uga xoroobi lahaayeen Ethiopia.

Mar wax laga weydiiyey Halganka soo taxnaa muddada dheer ee aan weli lagu caano-maalin waxa uu tilmaamay in marka loo dagaalamayo Xuquuq Asaasi ah inaan lagu xisaabtamin Waqti, wuxuunx tusaale u soo qaatay Halgankii Jabhaddii ANC ee Koonfurta Afrika kaga soo horjeedaan Midab-kala-soocii ka jiray dalkooda.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Jabhadda Xorreynta ONLF waxa uu carrabka ku adkeeyey inay dagaalka sii wadayaan ilaa laga helayo Caddaaladda oo uu xusay inay tahay xalka keliya ee lagu xaqiijin karo Xuquuqda Taageerayaasha ONLF, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Dagaalka ONLF ma aha mid la jira Nidaamka Federalismka ama Qowmiyad, balse, qoddobka waa iyadoo hal koox doonayso inay maamusho dadka kale ee ku nool gudaha Ethiopia” ayuu yiri Sarkaalkaasi, wuxuuna farta ku fiiqay inay Dowladihii Ethiopia hagradeen Dhulka ay Soomaalidu deggan yihiin.

Waxa uu sheegay 100-sanno kadib, markii ay Ethiopianka qabsadeen dhulka Soomaalida ee Ogaadeeniya in hal Dugsi Sare oo keliya laga dhisay, isla markaana aysan  Haweenku haysanin Adeegyaddii Dhalmada.

Waxa kaloo uu Wareysigiisa ku sheegay inay in ka badan 30,000 oo qof ku xiran yihiin Jeelasha Dowladda Ethiopia iyo in 30% la kufsaday Haweenka ku nool Gobalka ay Soomaalidu ka deggan yihiin Ethiopia, waa sida uu hadalka u yiri.

Ugu dambeynii waxa uu tilmaamay inay ballaarinayaan Isbahaysigooda Hubeysan sidii Kacdoonka Carabta oo kale, wuxuuna sheegay inay Shacuubta Ethiopia haatan diyaar u yihiin Kacdoon Hubeysan iyo inay Madaxda Ethiopia kala qeybsan yihiin.

Dhinaca kale,  Jabhadda ONLF waxay maalgelin, tababar iyo Hub ka helaan Dowladda Eritrea oo ay Dowladda Ethiopia xifaltamaan, waxaana shiiqmay Halganka Hubeysan ee Jabhadda ONLF ka fulin jireen dhulka ay Soomaalidu ka deggaan Ethiopia.

Si kastaba ha ahaatee, Dadka Soomaalida ee ku nool gudaha Ethiopia, waxay dhisteen Dowlad-deegaameed hoos taga Federalka Ethiopia, waxayna haystaan Madax-bannaani marka loo eego Xilligii ay Ethiopia ka talin jireen Boqor Xayle Salaase iyo Kolonel Mingiste Xayle Maryama

Xigasho: Aljazeera TV

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor