DHAGEYSO: Odayaasha Dhaqanka Galmudug oo Sheegay inay Faragalin Doonaan Doorashada, Haddii ay Markale Dib U Dhacdo

Waxaa odayaasha dhaqanka Galmudug, markii ugu horeysay ka hadleen doorashada madaxweynaha maamulka oo dib uga dhacday, xilligii lagu ballamay, islamarkaana hada ballanku uu yahay 30-ka bishaan ee April.

Suldaan Cabdicasiis Cumar Daad oo ka mid ah dhaqankii wax ka dhisay maamulka oo la hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay inay fargalin doonaan doorashada, hadii 30- Apriil ay dhici weyso doorsho madaxweyne, waxaana uu ugu baaqay baarlamaanka inay ka dhabeeyaan doorashada, si waqti kale uusan u lumen.

Guddiga doorashada Galmudug ayaa hore u sheegay inaysan dib uga dhaci doonin xilliga doorashada ee la qabtay, kuna asteysan 30-ka bisha, islamarkaana madaxweyne uu yeesho maamulka ay dooran doonaan.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media