War-qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ) iyo Dalladda Suxufiyiinta Madaxa Bannaan ee Soomaaliyeed (SIMHA) oo ay ku mideysan yihiin in ka badan 20-Saldhig Warbaahin oo ku yaalla gudaha Somalia, waxay ka digeen Khataraha iyo carqaladeynta ay Shaqsiyaad sheeganayo Suxufiyiinta ku hayaan Deganaanshaha iyo Suncadda Saxaafadda Somalia.
Qoraalka ay soo wada saareen NUSOJ iyo SIMHA ayaa lagu muujiyey inay ka walaacsan yihiin Falalka ay Shaqsiyaadka Omar Faaruuq Osman Elmi iyo Daahir Cabdulle Calasow oo ah Milkiilaha Waagacusub.com ee ay sida joogtada ay aflagaadeynta, carqaladaynta iyo argagax-gelinta ku haya Hoggaamiyayaasha Bulshadda, Ganacsatadda, Dowladaha Calaamka ee Deeqda Bixiya, Diplomaasiyiinta Soomaaliyeed iyo kuwa Caalamiga.
Qoraalkaasi waxaa si toos ah loogu kala diray Dowladda Federalka Somalia, Dowladaha Maraykanka, Britain, Italy, Sweden, Norway, Finland, Denmark, Germany, Netherlands, QM, Midowga Europe “EU”, Midowga Afrika “AU”, Dowladaha Ururka Jaamacadda Carabta iyo dhamaan Saaxiibadda Beesha Caalamka ee dadaalka ku bixiya Arrimaha dalka Somalia, waxayna NUSOJ iyo SIMHA cambaareeyaan in Warbaahinta loo adeegsado in lagu carqaladeeyo Ummadda.
NUSOJ iyo SIMHA, waxay kaloo sheegeen inay Qas-wadayaasha Omar Faaruq iyo Dahir Abdulle Calasow ee an taageeradda ku lahayn Warbaahinta Somalia, isla markaana ay sumcad-xumo ku hayaan Haybadda Saxaafadda Somalia ee Calaamka, isla matlama ay ku xad-dudbaan Tiirarka waa weyn ee Saxaafadda Saxda ee Maxali iyo Caalami ah.
NUSOJ iyo SIMHA waxay si kulul u cambaareynyaan in Saxaafadda loo adeegsado Carqaladeyn iyo in lagu abuuro Deganaansho La’aan, waxayna hoosta ka xariiqeen in la adeegsado dagaal iyadoo la cuskanayo Warbaahinta tahay Fal qaldan oo aan boos ka heli Karin Warbaahinta Somalia iyo kwua Caalamka.
Falalka Qas-wadayaasha Omar Faaruuq iyo Daahir Abdulle Calasow, waxay horey dhibaatooyinkaasi guud u saamaysay Hay’adda Foundation for Media and Development (VIKES), Machadka American International labor solidarity Center, Safaaradda Somalia ee ku taalla magaalladda Kampala, Hay’addo Dowladeed oo kala duwean, Xarunta Wacyi-gelinta Bulshadda ee Center for Community Awareness, Shirkadda Xawaaladda Dahabshiil Money Transfer iyo kuwo kale.
War-saxaafadeedka ay soo wada saareen Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ) iyo Dalladda Suxufiyiinta Madaxa Bannaan ee Soomaaliyeed (SIMHA) waxay ku baaqeen in Midnimo iyo Taageero loo muujiyo dhammaan Qeybaha Ummadda ee doonaya in caddaalad ka helaan Maxkamadaha Sharciga dhibaatooyinka ka soo gaaray Qas-wadayaasha magaca Warbaahinta u adeegsanayo inay dadka ku argagax geliyaan, si ay uga qaataan Lacago Baad ah.
© Radio Dalsan
For More Information, Please contact
National Union of Somali Journalists (NUSOJ)
Second Floor, Zobe Building, KM5 area, Wadajir District,
Mogadishu, Somalia,
Office Line: Tel: +252 1 859 944,
Email: [email protected] or [email protected]
Website: www.nusoj.org.so
Follow us on Twitter: @NUSOJ_Somalia
Follow us on Facebook.com/NUSOJSomalia
Somali Independent media houses association (SIMHA )
KM4 area, wadajir District,
Mogadishu, Somalia, Tel: +252 61-5080800 /+25261-5576080
e-mail: [email protected] , simhamedia@gmailcom , [email protected]
E-Newsletter: [email protected]
Internet: http://www.simha.so
Follow us on : SIMHA_SOM