Ninkii dilay taliyihii nabad sugida Shabeelada Dhexe oo dil lagu xukumay

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee gobolka Shabeelada Dhexe ayaa xukun dil ah ku riday Yuusuf Xuseen (Madoobe) oo dhawaan Jowhar ku dilay taliyihii nabad sugida ee gobolkasi Cabdiweli Ibraahim Nuur.

Maxkamada ayaa sheegtay in eedeysanaha uu maxkamada ka hor qirtay inuu si bareer ah u dilay 1 cisho ka hor taliyihii nabad sugida Shabeelada Dhexe.

Sido kale maxkamada ayaa xukuno ku riday 2 askari oo ka tirsanaa ilaalada Taliyaha  nabad sugida,mid kamid ah waxa lagu riday 2 sano oo xabsi ah halka mid kalena lagu riday xukun ah 6 bilood oo xabsi ah.

Maxkamada ayaa iska sii deysay askari kale oo lagu waayay eedeymaha loo soo jeediyay ee ku saabsanaa ku lug lahaanshaha dilkii taliyaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor