Falkan dilka ah ayaa waxa uu ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha ee degmada Howl-wadaag ee gobolkaan Banaadir,waxana Ninka la dilay iyo kan wax dilay la sheegay in uu khilaaf soo kala dhex galay.
Ninka dilka geystay ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay Xasan Cali Maxaadeey,waxaana la sheegay in Ninka ay walaalaha yihiin uu dilkiisa u adeegsaday tooreey,iyada oo labadooda dilka kahor ay wada murmeen wallow weli aan la shaacin waxa ka dhaxeeyey.
Qaar ka mi ah ehelada ninka wax dilay oo sihoose ula hadlay Dalsan ayaa waxa ay sheegeen in Ninka dilka geystay ee Xasan Cali Maxaadeey uu Maalinta berito ah ah u ambabixi lahaa safar dibada ah,balse dilkaan uu u geystay walaalkiis.
Dhacdooyonka isdilka ah ee tooreyda loo adeegsanayo ayaa kusoo batay muqdisho,waxaana dilkan uu ku soo aadayaa xilli xalay Wiil Dhalinyaro ah ay koox burcad ah toorey ku dileyn Xaafada dabaqeynka ee degmada Yaaqshiid.