Nin Ugandhese la sheegay inuu ka tirsanaa Hawlgalka AMISOM  oo lala xiriirinayo Alshabaab oo lagu qabtay xuduudka Kenya iyo Tanzania

Boliska Kenya ee Xuduudka ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Nin u dhashay Uganda, kaasi oo lala xiriirinayo inuu xubin ka yahay Alshabaab.

Madaxa Dembi-baarista Boliska ee Degaanka Kajiado, Mr. Nagatia Iregi ayaa sheegay Baaritaan kadib in ninkaasi oo lagu magacaaba Sawalah Baluku qirtay inuu tababar ku so oqaatay Xero Alshabaab ku leeyihiin gudaha Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray inay Eedeysanaha Mobaylkiisa ka heleen Muuqaalo Goosgoos ah oo ku saabsan Dhaqdhaqaaqa Alshabaab ka wadaan gudaha Somalia, waa sida uu Sarkaalkaasi hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Sarkaalka oo u waramay Wargeyska Daily Nation ayaa sheegay in Eedeysanaha ahaan jirey Askari ka hoos shaqeeya AMISOM, isla markaana uu u ku sii jeeday dalka Tanzania si uu u soo booqdo Xaaskiisa.

Eedeysanahaasi ayaa la sheegay in lagu hayo Xabsiga lagu magacaabo the Kajiado GK Prison.

Xigasho: Daily Nation

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor