Nin Soomaali oo soo galay diiwaanka dadka ugu saameynta badan London

Ismaaciil Axmed oo ah aasaasaha shirkadda WorldRemit oo ah shirkad u fududeysa in ehellada iyo ganacsatada ay lacag isu diraan iyagoo wadamo kala duwan joooga ayaa ka mid noqday diiwaanka dadka ugu saameynta badan UK.

Liiska dadka madow ee ugu sameeynta badan UK ee 2020-ka ayaa la shaaciyay waxa uuna liiska ka kooban yahay boqol qof oo uu namabarka koobaad ku soo baxay Ismaaciil Axmed.

Isagoo la hadlay BBC-da ayuu yiri: ”Sharaf weyn ayay iitahay inaan ku guuleysto abaalmarintan. Markii aan ku soo barbaarayay Somaaliland, waxaan arki jiray sida dadka qaxootiga ah ay lacagaha ugu soo diraan eheladooda”

Markii aan London waxbarsho u imid oo aan bilaabay inaan lacag u diro eheladayda, waan wareeray oo igu adkaatay qiimaha lacagaha loogu diro xawilaadaha caadiga ah”.

Markaasi ka dib ayuu bilaabay hadafkiisa ah inuu raadiyo waddo fudud oo lacagaha loogu xawuli karo dadka Afrika Joogo.

Mr Axmed waxa uu ahaa Khabiir ku xeel-dheer Xawilaadda Lacagaha iyo Nidaamka lacagaha laysugu Xawilo, waxaanu xoogga saaray arrimahan, isaga oo Shahaadda PhD cilmiga dhaqaalaha ku diyaarinaya Jaamacadda Imperial College ee magaalada London,”

Xigasho BBC Somalia

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media