Nin soo xirtay suunka qaraxa oo been ah oo maanta kiciyay magaalada Brussels

Magaalada Brussels oo ay ka socdan baaritaano argagixisada ka dhan ah ayaa lagu xiray nin kaddib markii ay soo yeertay in bam la dhigay suuq laga dukaamaysto oo ku yaala Brussels sida ay sheegeen saraakiishu.

Warbaahinta Belgium waxay tabiyeen in ninkaasi uu wacay booliiska uuna u sheegay in uu xiran yahay waxyaabaha qarxa.

Dhawr illood oo ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay in aysan ka helin waxyaabaha qarxa.

Waxaa la xiray wadadii uu suuqaasi ku yaalay waxaana gaaray qolyaha qaabilsan bambooyinka.

Ra’iisul wasaare Charles Michel ayaa sheegay in hadda ay xaaladdu dagan tahay kadib markii uu la kulmay qolyaha qaabilsan ka jawaabidda mashaakilka sida uu sheegay Le Soir daily.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor