Abshir Socdaal C/qaadir ayaa la soo taagay Maxkamadda, kadib, markii lagu helay inuu si xun u garaacay Haweeney Somali ah oo ay saaxiibo ahaayeen.
Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu Haweeneyda ku garaacay Alwaaxa loo isticmaalo in lagu fidiyo Foolyadda Sabaayada iyo Sambuuska, wuxuu kaloo dhaawacay Sarkaal Bolis iyo dhowr qof oo doonaysay inay badbaadiyaan haweeneyda la garaacayey.
Shilkaasi ayaa la sheegay inuu habeen hore ka dhacay Hoy uu Eedeysanaha ka deggan yahay Xaafadda Zabbaar ee Jesiiradda Malta.
Kormeere Koowaad Hubeert Cini oo ka tirsan Boliska Malta ayaa u sheegay Garsooraha Maxkamadda inuu Eedeysanuhu alwaax ku garaacay Haweeney Somali oo ka timid Xaafadda Fagura.
Waxa kale oo uu Garsooraha u sheegay inay jiraan dhowr Markhaati, kuwaasi oo awoodi waayey inay Maxkamadda yimaadaan, maadaama ay weli ka soo kabanayaan dhaawacyadii uu Eedeysanaha u geystay.
Sidoo kale, Eedeysanaha waxaa kaloo lagu soo oogay inuu dhaawac fudud u geystay Sarkaal Bolis iyo inuu burburiyey Hantida Dadweynaha.
Eedeysane Abshir Socdaal C/qaadir ayaa la sheegay in lagu sii hayn doono Xabsiga, Â inta laga helayo qof Turjumaan ah, maadaama uu Eedeysanuhu ku hadli Karin Luqadda Maltese ama Englishka.
Eedeysanaha waxaa laga yaabaa inuu Xabsi ilaa 2 sanno ah ku muteysto Fal-dembiyeedka uu galay.
Xigasho: Times of Malta
©Radio Dalsan
Â