Nin Somali ah oo lagu xiray Gobalka Tennessee dalka Maraykanka

Boliska magaalladda Nashville ee Gobalka Tennessee ayaa la sheegay inay xireen Nin Somali ah, kaasi oo burbur ba’an u geystay goobo ganacsi oo ay Dhallinyarro Soomaaliyeed ku lahaayeen Koonfurta magaalladdaasi.

Boliska ayaa u diiwaan geliyey Eedeysanw Abdi Jama oo 27-jir ah inuu burburiyey daaqadaha goobta ganacsiga oo lagu iibiyo Cunto Fudud iyo Shaah,wuxuuna diiday inay hawlaha si caadi ah u socdaan.

Sida lagu qoray Shabakadda Wararka ee wkrn.com, dad Goobjoogayaal ayaa u yeeray Boliska si ay u qabtaan Eedeysanaha,waxayna u gudbiyeen Xabsi Metro.

Waxaana lagu soo oogay 2 dembi oo ah burburin hanti.

http://wkrn.com/

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor