Hadal ka soo baxay Boliska dalkaasi ayaa lagu sheegay in la xiray Ninkaasi oo 43-jir ah, kaasi oo lgu tuhunsan yahay inuu leeyihiin Urur Argagixiso oo Caalami ah.
Qabashadda Ninkaasi ayaa la sheegay inay gacan ka geysteen Hay’addaha Ammaanka ee dalalka Jarmalka iyo Masar.
Ninkaasi oo magaciisa la qariyey ayaa lagu xiray magaalladda El Espinar oo ku-dhawaad 40-miles dhanka W/galbeed kaga toosan Caasimadda dalka Spain ee Madrid.
Boliska Spain waxay sheegeen in la soo saaray Amar ninkaasi loogu masaafurinayo dalka Masar.
Sannadkii 2002-kii waxaa Ninkaasi lagu xiray dalka Jarmalka, balse wax yar kadib ayaa la sii daayey.
©Radio Dalsan
Â
Â