Ninkaasi oo la oran jirey Christopher Wilkins,oo 48-jir ah ayaa saqdii dhexe ee xalay lagu dilay Xabsi ku yaalla magaalladda Huntsville ee Gobalka Texas.
Waana Eedeysanihii ugu horreeyey ee sannadkan xukunka dilka lagu fuliyo dalka Maraykanka.
Hadal ka soo baxay Waaxda Caddaaladda Dembiyadda ee Maraykanka aya lagu sheegay in ninkaasi lagu duray cirbadda sun ah ((lethal injection)oo soo dedejisay Geeridiisa, kadib, markii lagu helay inuu 2-nin u dilay 20-Dollar oo ay ka khiyaaneen Ganacsi la xiriiray Daroogadda.
Eedeysanaha ayaa lagu helay inuu bishii October 28-da ee sannadkii 2005-tii toogasho ku dilay Labada nin oo la kala oran jirey Willie Freeman oo 40-jir ahaa iyo Mike Silva oo 33-jir ah.
Dhinaca kale, Dilka xalay lagu fuliyey Christopher Wilkins ayaa noqday kii ugu horreeyey ee Maraykanka ka dhaca sannadkan cusub ee 2017-ka, waana dilkii 539-aad ee laga fuliyo Gobalka Texas.
Maxkamadda Sare ee Maraykanka ayaa dib u soo celisay xukunka dilka sannadkii 1976-kii.
©Radio Dalsan