Nin Kenyaan oo ka tirsan Alshabaab oo lagu xukumay dil

Nin Kenyaan ah oo soo islaamay, lana sheegay inuu ka tirsan yahay Dagaalamayaashii Alshabaab ee bishii june ee sannadkii hore weerartay Tuullooyin hoos taga Degmadda Laamu ayaa lagu xukumay dil.

Ninkaasi oo soo islaamay sannadkii 2002-dii ayaa waxa magaciisa lagu sheegay Mohamed Ali, inkastoo horey loo oran jirey Gituge Ngamau.

Waxa uu hataan ku xiran yahay Xabsiga Shimo la Tewa ee magaalladda Mombasa.

Wargeyska The Standard ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa maanta qoray in Eedeysanahaasi oo dacwadiisu socotay muddo hal sanno ah uu qiraal ahaan Boliska ku siiyey in Labo Dagaalyahan oo caddaan ah oo ka tirsan Alshabaab qorsheeyeen weerarkaasi ka dhacay Deegaanka Hindi oo ka tirsan Lamu, waa sida uu hadalka u dhigay.

Weerarkii ay Alshabaab ka geysteen Mpeketoni, Laamu bishii June 14-dii ee sannadkii hore ayaa waxaa lagu dilay 65 qof.

Boliska Kenya ayaa rumeysan in labada Jihadistayaasha caddaanka ee uu Eedeysanauhu tilmaamay yihiin kuwo u kala dhashay  dalalka Britain iyo Jarmalka.

Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu horey uga tirsanaan jirey Maleeshiyo loo yaqanao Mugugiki, ka hor inta uusan ku biirin Alshabaab.

Garsooraha qaadayey xukunkaasi oo lagu magacaabo Muya ayaa ku xukumay Eedeysanaha xukun dil ah, iyadoo aan la sheegin xilliga lagu fulin doono dilkaasi.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor