Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Dil fiidnimadii hore ee xalay Guddoomiye Waaxeed ka tirsan degmada Deyniile ee Gobolkaan Banaadir loogu geystay agagaarka Aargada degmadaas, xili uu ku sugnaa.
Kooxo hubeysnaa Bastoolado ayaa toogasho ku dilay Guddoomiyihii Waaxda Kurdamac ee Deyniile oo lagu magacaabi jiray Cabdi Cabdulle Cismaan (Cabdi Juge), waxaana halkaas ka baxsaday raggii fuliyay falkaas.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka oo ku sugnaa meel ku dhow goobta uu dilka ka dhacay ayaa gacanta ku dhigay mid kamid ah raggii dilay Cabdi Juge isaga oo dhaawac ah, kadib markii Ciidanka ay Ninka rasaas ku fureen.
Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in ay baxsadeen laba Nin kale oo la tilmaamay inay ka qaateen dilka loo geystay Guddoomiyihii Waaxda Kurdamac ee Deyniile, kuwaasi oo laamaha amniga ay baadi goobayaan.
Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir oo ku saabsan dilka Marxuum Cabdi Cabdulle Cismaan, waxaana dilkiisa uu kamid noqonayaa Mas’uuliyiin horey looga dilay maamulka degmadaas.