Nin Hubeysan oo weeraray Kalaab ku yaala dalka Mareykanka

Booliska Magaalada Florida Ee Dalka Mareykanka Ayaa sheegay In rasaas oyo qaraxyo laga maqlayo banaanka iyo gudaha Kalaab weyn Oo Ku yaala magaalada Florida ee gobolka Orland,Waxaana Kalaabka gudaha u galay nin hubeysan oo markii dambe la toogtay.

Booliska Mareykanka waxa ay Sheegeen In ninka gudaha U galay Kalaabka u watay hubka fudud, waxaana gudaha Kalaabka laga maqlay in Ka badan 20 toogasho, Waxaana ninkan uu qabsaday Dhammaan Dadkii Kujiray Kalaabka.

Ciidamo Badan Ayaa Lasoo Dhoobay Agagaarka Kalaabka Waxaana Ciidamada Mareykanka Ay Isku Dayayaan In Ay Soo Afjaraan Howlgalka lagu Doonayo In Lagu Samata Bixiyo Dadka La Heystayaasha Ee Gudaha Kalaabka Kujira.

Weerarkan ayaa kamid ah weeraro joogto ka noqday dalka Mareykanka,dhawaan isla magaalada Florida nin hubeysan ayaa ku toogtay gabar fanaan ahayd.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor