Netanyahu oo Putin u sheegay in aanu ku qanacsanayn mowqifka Ruushka ee Gaza

Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa waxa uu la hadlay hogaamiyaha Ruushka Vladimir Putin – iyadoo Netanyahu uu sheegay inuusan ku qanacsanayn mowqifka Moscow ee dagaalka Gaza.

Ruushka ayaa taageeray qaraar ku baaqaya xabbad-joojin degdeg ah oo ka dhacda Gaza ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Jimcihii.

Intii lagu guda jiray wicitaanka taleefanka, Netanyahu wuxuu dhaleeceeyay “iskaashiga khatarta ah” ee u dhexeeya Ruushka iyo Iran, wuxuuna sheegay in waddan kasta oo kale oo ay la kulmi lahaa weerar u dhigma kii Israa’iil ay la kulantay 7-dii Oktoobar uu uga falcelin lahaa ugu yaraan si isku mid ah.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa soo dhaweeyay dadaallada Moscow ay ku doonayso inay ku sii deyso laba qof oo udhashay Ruushka oo lagu haysto Gaza.

Kremlin-ka ayaa sheegay in Ruushku uu diyaar u yahay inuu bixiyo dhammaan kaalmooyinka suurtagalka ah si loo qaboojiyo colaadda, iyo in Putin “uu xaqiijiyay mowqifka mabda’a ah ee diidmada iyo cambaareynta argagixisada nooc kasta oo ay tahay. “

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor